Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu wareejiyay mas’uuliyadda doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.
Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.