WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo Isla-xisaabtan ku bilaabay Wasaaradda Maaliyadda

By Xuseen Post

September 13, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud.

Kulankan ayaa looga hadlay daah furnaanta nidaamka maamulka iyo maaliyadda, joogteynta mushaarka shaqaalaha dowladda, ciidanka iyo kharashaadka wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasiirka Maaliyadda in lala socodsiiyo hubinta kharash-bixinta iyo lacagta hey’adda IMF qoondada dowladda Federaalka, isla markaana iyadoo aan ogolaansho laga heysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha aan la bixin karin lacag.

Kulankan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble amar kusoo rogay Wasiir Beyle, isagoo ku amray inuu wax kharash bixin karin ilaa ogolaansho uu ka helo Xafiiska RW Rooble.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA