Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku bedelay labo Wasiir oo haayey xilalka Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada loogu magacaabay inuu noqdo Duraan Axmed Faarax.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Maxamed Dubbe ayaa telefashinka Qaranka ka Akhriyay Wareegtada kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.