WARARKA SOOMAALI

DAAWO:- RW Rooble oo Imtixaanka shahaadiga XFS u furay 35,000 Arday

By xuseen waashitoon

June 18, 2022

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Gobollada dalka

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu  ka daah-furay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha aya waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo Imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA