Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa ka hadlay heshiiskii laga gaaray dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho eek a dhashay muddo kororsii ay sameeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in heshiiska laga gaaray khalalaasihii ka dhacay Caasimadda uu yahay guud weyn oo u soo hoyatay nabadda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana loo baahnaa.
Sidoo kale Rooble ayaa tilmaamay in Shacabka iyo siyaasiyiinta ay uga baahan yihiin garab istaag, isagoona Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan laheyn Muxaafid iyo Mucaarad.