Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland), Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay soo gudbinta Liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland guul taariikhi ah oo laga gaaray dib-u-dhacyadii ku yimid, waxuna xusay in si deg-deg ah loo guda geli doonno doorashadooda.
Eng. Rooble ayaa sheegay in doorashooyinka Aqalka sare ee BFS ay ku socdaan si habsami leh, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu garab siiyo dhammaan dhinacyada ku howllan doorashada sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon oo ku qabsoonta xiligii lagu heshiiyey.