Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseeb Rooble ayaa waxaa uu Qaramada Midoobay u sheegay inaanu ka laba labayn doonin dedaalada uu cadaalada ugu raadinayo Ikraan Tahliil.
“Mawqifkaygu mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaro.”
Waxa uu sheegay Rooble in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka dadka Soomaaliyeedna uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diiarad saaridda doorashooyinka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu wado dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa in uu sii faafo khilaafka ka dhex taagan asaga iyo Madaxweyne Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa adkeeyay in kiiska Ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.