Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo isaga wefdigiisu dalka dib ugu soo laabteen ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii shalay koox ciyaartooy ah Kismaayo kula beegsadeen, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka si looga hortaggo falalk Amni daro oo inta badan ka dhaca qeybo ka mid ah gobolada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO
Ugu dambeyntii waxaa shacabka ugu baaqay in ay ku kalsoonaanaadan hanaanka doorashooyinka ee dalka ka bilowday ayna garab istaagan Shacabka.