WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Rag ka tirsanaa Daacish oo Maxkamadda dil toogasho lagu fulisay

By xuseen waashitoon

October 26, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Ururka Daacish oo kal hore Maxkamadda xukuno dil toogasho ah ugu riday, kadib markii ay dilal ka geysteen magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Labada nin ee toogashada lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabi jiray Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, iyagoona dilal ku fuliyey Askar ka tirsaneyd ee Ciidanka dowladda, waxaana gacanta lagu soo dhigay markii ay falalka geysteen.

Maxakamaddu waxa ay sheegatay in Aadan uu Madixii gaadiidka Madaxtoyada Puntland, Axmed Jaamac iyo ganacsade Cabdiraxmaan Aadan Cali uu 2018 ku dilay Boosaaso ka hor inta uusan mar kale dilal ka geysan Muqdisho iyo Ceelasha-biyaha.

Axmed Maxamed Nuur, Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Axmed Cabdi Xuseen ayuu dhamaantood ku dilay Muqdisho sanadkii 2019, waxaana gacanta Dowladda galay kadib markii uu ku dhaawacmay xabado ay isaga iyo saaxiibkiis u wadeen Axmed Cabdi.

Si kastaba, Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta dilalka toogashada, waxaana todobaadkan gudihiisa la qisaasay illaa 5 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, askarigii dilay wasiir Cabaas iyo labada saaka la dilay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ