Waxaa lasoo Afmeeray Shirkii Beelwaynta Baharasame uga Qabsoomay deegaanka Xidh-xidh ee Gobolka Sool, Oo ay ka qayb galeen Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, Waxgarad iyo Dr. Cali Khaliif Galaydh, Waxaana laga soo jeediyey Khudbado kala duwan.
HALKAN KA DAAOW VIDEO
Go’aanada kasoo baxay waxaa kamid ahaa in la xoojiyo Nabadda iyo Adkaynta Midnimada, Lana dhowro deegaanka iyo Isticmaalka Dhulka.
Waxaa diirada lagu saaray Shirka Horumarinta Ganacsiga iyo Maal-gashiga iyo la Ilaaliyo Midnimada iyo Xeerarka Beesha iyo Heshiisyadda ay la gashay Beelaha kale, Lana Fuliyo.
Beeshu waxay kala mid tahay Beelaha Dhulbahante Wadahadalka Nabadda ee u socda khaatumo iyo Somaliland, Waxayna Beeshu dalbaysaa oo soo dhowaynaysaa Wadajirka Tol-waynaha Dhulbahante.
Shirku wuxuu Baaq Nabadeed u diray Beelo shaqaaqo ay ku dhexmartay Waqooyiga Buuhoodle, waxaana Hoosta laga Xariiqay in la Fuliyo Heshiisyadii Nabadda ee Beesha Bahararsame ay la gashay Beelaha Cabdi Garaad (Qayaad) iyo Cumar Maxamuud.a