Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay falkii argagaxisanimo oo lala eegtay kolonyadii uu la socday Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayey dawladda Qatar ku cambaraysay falkaas cadownimadda ah, dawladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhimashadda shacabkii ku dhintay weerarka iyadoo dhaawacana u rejaysay in ay caafimaad helaan.
Qaraxii shalay ka dhacay Caasimadda oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliye Farxaan Maxamuud Qaroole, balse uu ka badbaaday Taliyaha, hayeeshee uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku naf-waayay 5 qof oo shacab ah, halka 10 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad, waxaana Mas’uuliyada qaraxii lala beegsaday Taliye Farxaan sheegtay Al-shabaab.