Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha Magaaladaas.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha Qarxa ah oo lala beegsaday goob Maqaayad ah oo ku taalla Baydhabo, waxaana lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Cali Wardheere Cabdiraxmaan.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray dad shaca ah, waxaana la sheegay inuu ka badbaaday qaraxa Guddoomiyaha Gobolka Cali Wardheere Cabdiraxmaan.