HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Itoobiya Qaramadda Midoobay oo ka qaylisay xaalad adag oo ay ku sugan yihiin dadka Tigrey-Video

Jigjiga (HM)-Qarramada Midoobey ayaa walaac xooggan ka muujineysa xaalada bani’aadannimo ee ka jirta gobolka ay dagaalladu ka socdeen ee Tigrayga, waxeyna dalbatay in si KMG loo joojiyo xabadda.

Warka ka soo baxay Qarramada Midoobey ayaa imaneya xili la soo warinayo xaalad bani’aadannimo tii ugu xumeyd oo soo food saartay dadka rayidka ah ee ku go’doonsan deegaannada lagu dagaalamayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waan in la helaan tub ama dariiq gargaarka loo baahan yahay lagu gaarsiiyo dadka rayidka rayidka ah ee ku dhibaateysan deegaannada ay dirirtu ka socto” ayeey sheegtay QM.

Laakiiin labada dhinacba waxaad moodaan in aysan marnaba u dhaga-nuglaan baaqyada is daba jooga ah ee ka imanaya hay’addaha caalamiga, iyaga oo taa badalkeeda sii wadda howlgalada Militari.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Exit mobile version