WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Qambi oo Laascaanood ka wada shaqo uu Hargeysa ka qaban kari waayey & Banaanbax looga soo horjeedo-Video

By Abdi rashid

September 04, 2019

Laascaanood (HM)-Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa banaanbax ay iskuigu soo baxeen waxaa ay kaga cabteen wax ay ugu yeedheen burburin iyo barakicin uu ku hayo Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta maamulka Hargeysa Cabdirashiid Qambi.

Qambi ayaa ilaa markii loo magacaabay xilka wasiirka howlaha guud ee maamulka Hargeysa wuxuu si toosa uga howl galayey Magaalada Laascaanood isaga oo marar badan kasoo muuqda dhisme la burburinayo oo uu horkacayo kuwaasoo sidan oo kale ay ka dhasheen iska hor imaadyo iyo diidmo shacabka ah.

HALKAN KA DAAWO 

Banaanbaxa ayaa yimid kadib markii Dowladda Hoose ee Laascaanood maamulka Hargeysa ugu magacaaban ay wada calaamadisay burburina ku xukuntay dhamaan Guryihii Bartamaha Magaalada Laasnaaood ahaa.

Qambi oo maamulka Soomaliland Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ugu magacaaban ayaa u muuqda Maayarka Laascaanood marka la eego sida uu Laascaanood iyo howlaha ka socda oo Dowladda hoose lahayd uu ula wareegay waxaana la is waydiinayaa waxa uu Hargeysa oo la ogyahay dhabo xumada iyo dhismaha sharci darada ah ee wadooyinka soo galay inta uu kasoo taraaray uu Laascaanood ilaa maalintii la magacaabay shacabka iyo isagu qoorta iskula jiraan.

Horufadhi News