Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Qaabkii xilka looga qaaday gudoomiye Dhoobo-dareed iyo warbixin ku saabsan xaalada-Video

Garoowe  ( HM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yidhi Dhoobo.

“Waxaa na kala saaraya in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo, Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”, ayuu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku dooday in xildhibaannada Culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay.

HALKAN KA DAAWO

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.

Fadhi  ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed

Exit mobile version