Site icon HORUFADHI MEDIA |

Qaabkii Cirro oo rasaas ku socoto ku galay xarunta Xisbiga Waddani & Taliyaha Booliska oo ka yaabay.

Hargeisa  ( HM ) Soomaliland Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Taageerayal uu Hogaaminayo ayaa Galay Xarunta Xisbiga Wadani ee magaalada Hargeisa xarunta maamulka Soomaliland, Halkaasi oo Markii hore ay  Ciidanka Booliska  Wadooyinka soo gala dhagaxaan ku xidheen .

Balse Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo Taageerayaashiisa ayaa xoog ku galay xarunta, iyadoo aanay wax dhibaato ahi dhex marin ciidanka Booliska, Halkaasi oo Warbaahinta uu kula hadlay.

HALKAN KA DAAWO

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu baaqay Taageerayaasha gobolada kale inay isugu soo baxaan Xarumaha   Xisbiga Wadani, Wuxuuna sheegay inaysan Jirin cid ka hor istaagi karta inay yimaadaan Xurmaha Xisbiga Wadani.

“Waxaan u sheegayaa maamulada gobolada 5-ta ah inay isugu yimaadaan Xafiisyadooda, Somaliland ha noolaato, Digteetarku ka dhaco,  Digteerar iyo in sharciga lagu tunto yeeli mayno, Xoriyad ayaynu ku dagaalamaynaa oo u dhimanaynaa “ Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Somaliand  oo goor dhowayd Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cirro oo dad shacab ah Hogaaminaya ay Xoog ku Jiidheen Ciidamada Booliska oo doonayey inay ka hor istaagaan xarunta Xisbiga Wadani.

HALKAN KA DAAWO 

Sidoo kale Taliye Daba-galle ayaa sheegay in Nin Askari ah oo la socday Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu Raasaas ku dhaawacay Taliyihii Saldhiga Bariga, Sidoo kalana uu Jiro Askari kale oo dhagax lagu dhaawacay.

Wuxuu sheegay inay Arimahasi kula Xisaabtami doonaan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C.raxmaan Cirro.

Gudoomiye Cabdiraxmaan cirro ayaa sheegay inuu ka xunyahay waxa dhacay iyo Rasaasta loo adeegsaday Masuuliyiinta Xisbiga, Wuxuuna ku baaqay in gobolada kale ay Banaanbax isugu yimaadaan, Sidoo kale wuxuu ka hadlay Xadhiga masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo uu ku sheegay Fal Argagixiso, Wuxuuna xusay in loo dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera.

Horufadhi News

Exit mobile version