WARARKA SOOMAALI

Puntland Siciid Deni oo aqbalay inuu tago Muqdisho & war-murtiyeedkii qodobo laga badelay-Video

By Abdi rashid

March 19, 2020

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu dhawaan soo gaadho Magaalada Muqdisho ee xarunta looga arrimiyo Soomaaliya kadib casuumaad uu ka helay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Deni ayaa ku dhawaaqay go’aankan booqashada Muqdisho kadib kulankii golaha wasiiradda maamulka Puntland ee maanta oo khamiis ah 19 Maaj ka dhacay Garoowe, kaasoo sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo kamid yahay cudurka Coronavirus.

Booqashada Deni ee Muqdisho ayaa ku timid heshiis cusub, oo ay Puntland la gashay wafdiga dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Garoowe kaasoo ka qeybgalay shirkii wadatashiga Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Deni wuxuu sidoo kale sheegay inuu booqan doono magaalo madaxyada dawlad goboleeyada kale ee dalka Soomaaliya, iyadoo safarkan u noqon doono midkiisii ugu ballaarnaa tan iyo doorashadiisii sanadkii tagey.

Puntland ayaa waxaa wali ku sugan wafdi ka socda Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Xukumada Faderaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad.

Dhanka kale, Kulanka Deni iyo Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu go’aamiyay in wax ka beddel lagu sameeyo war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Garoowe, kaasi oo haatan dib loo saxay laba qodob oo ay ka biya-diideen wasiirada heer Federaal.

War-murtiyeedka ayaa laga saaray qodob sheegayay, in Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii ay dowladda Soomaaliya aysan tix-gelin go’aannada Puntland ka soo saartay khilaafka labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa dib u sixid lagu sameeyay qodobka sheegaya in Puntland ay shir ku casuuntay Saamileeyda Siyaasadda Soomaaliya, taasina waxaa lagu beddelay in Puntland ay shir ku casuuntay dowadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Horufadhi News