Ceerigaabo (HM ) Maamulka gobolka Sanaag ee Puntland ayaa shaaciyey in ay Puntland kusoo biireen saldhiggii iyo ciidamadii maamulka Somaliland u joogay magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag
Maamulka Puntland ayaa sheegtay in ciidamadani yihiin kuwii ugu danbeeyey ee Somaliland u joogay Deegaanada ku xeeran magaalada Badhan, oo horay ciidankii u joogay ay ugu biireen Puntland.
Dhinaca kale maamulka Somaliland Wax war ah, kama aysan soo saarin Ciidamadan kale ee ku Biiray Puntland, oo Mudooyinkii dambe xoojisay Saamaynta ay ku leedahay gobolka Sanaag.
HALKAN KA DAAWO
Waxaa siwayn loo Xasuustaa Hadalkii taliyaha Ciidamada Milatariga maamulkasi Somaliland Nuux Taani uu sheegay markii Ciidamadii Badhan ku sugnaa ay ku biireen Puntland, isagoo xusay inay ahaayeen Ciidamo Culays uun ku hayey Somaliland balse aan waxba u qaban jirin, Wuxuuna xiligaasi Codsaday in kuwa kale ee hadhayna ay raacaan.