Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Puntland oo ku dhawaaqday in albaabada la iskugu laabo Masaajidada & goobaha kale-Video

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay ku dhawaaqday in la xidho dhamaan Masaajida si looga hortagga faafitaanka Fayruska adduunyadda gumaadka ku haya ee Corona.

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa daboolka ka qaadey in talaabadaas ay la xidhiidho amaradii dhowaan kasoo baxay Golaha Wasiirada.

“Ma ahan in dadka cibaada loo diidayo waa in aynu ka taxadarno cudurkaas gumaadka ku haya aduunyadda, waxaana rajeynaynaa in culimada ay nala qaataan,” ayuu raaciyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiir Cawil ayaa sidoo kale faray in “sidda ugu dhaqsiyaha badan” loo xiro dugsiyadda Qur’aanka iyo Madarasooyinka.

Dadweynaha ayuu cod dheer ku booriyey in ay joojiyaan isu-imaatinka isla markaana ay hogaan-samaan go’aanadaas iyo talooyinka caafimaad.

Puntland ayaa mar sii horeysay joojisay doonyaha kalluumeysiga ee kaga imaan jiray dibadda, waxaana lagu amray doonyaha haatan jooga in ay ku baxaan muddo 24-saac gudaheeda ah.

Marka ay timaado ka hortagga COVID—19, dunida ayaa ka siman hakinta duulimaadyadda caalamka, xiritaanka Masaajida, joojinta kulamada dadweynaha iyo wacyi-gelinta nadaafadda.

Dhamaan talaabooyinkaas ayaa lagu sheegay kuwa laga maarmaanka u ah la dagaalanka caabuqaas illaa iyo haatan aduunyadda ku galaaftay in ka badan 12-kun oo ruux kuna dhacay 150-kun.

 

Exit mobile version