Garoowe (HM)-Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga howlgeliyey ciidamo cusub oo loogu magac daray ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda garoowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland.
Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsan doonaa Hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Garoowe, ciidamada xilliga aysan shaqada kujirin soo gala magaalada, dhalinyarada ku howlan falalka ammaan xumo, soo celinta bilicda magaalada iyo rarista marfashyada iyo Kabarada qaadka sida ay xaqiijiyeen xubnaha maamulka ee magalaada Garoowe oo warbaahinta la hadlay.