WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo dil ku xukuntay Rag Boosaaso ku kufsaday oo si xun u dilay Gabadh yar-Video+Sawiro

By Abdi rashid

November 04, 2020

Boosaaso (HM)-Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ee Puntland, ayaa maanta dil toogasho ku xakuntay labo nin, oo lagu eedeeyay dilka gabadhii yareyd ee meydkeeda laga helay duleedka magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Bishii October.

HALKAN KA DAAWO VIDEO MAXKAMADDA

Xukunka Maxkamadda ayaa ka dambeeyay kadib markii labada nin ay Maalintii shalay Maxkamadda kahor qirteen dembiga ay ku eedeysnaayeen, iyadoo lagu helay caddeymo muujinaya falka foosha xun ee loo soo qabtay.

HALKAN KA DAAWO HADALKA RAGGA

Labada nin oo dhalinyaro ah, ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdi Farey iyo C/raxmaan Maxamed Isxaaq, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen rag ku shaqeysta gaadiidka rakaabka ee ka howlgala gobolka Bari.

Bishii October 2020, Isbitaalka Boosaaso ayaa sheegay in gabadha la dilay, balse aan kufsi loo geysan, iyagoo go’aankan shaaciyay kadib baaritaan ay ku sameeyeen meydka gabadha ee halkaasi la dhigay.

Puntland ayaa sheegtay inay ka go’antahay la dagaalanka falalka kufsiga, ee loo geystay haweenka Soomaaliyeed iyo gabdhaha yaryar ee aan wali qaan-gaareen, waxaana bilooyin kahor dil lagu filiyay shaqsiyaad ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caasha Ilyaas ee ka dhacay Gaalkacyo horaantii 2019.

Horufadhi News