Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Puntland oo digniin culus u dirtay Maraakiibta xeebaheeda sharci darada ku jooga-Video

Garoowe (HM)-Puntland ayaa Warbaahinta u soo bandhigtay tirada maraakiib la sheegay in ay si sharci daro ah uga kaluumeestaan xeebaha Puntland iyo sidoo kale wadamada laga leeyahay Maraakiibtaasi.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in ay sii kordhayaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland, Wuxuuna xusay in 18 Markab oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan ay yihiin kuwa si sharci daro ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland, Wuxuuna sheegay in dacwad ka gudbinayaan maraakiibtaasi.

HALKAN KA DAAWO

Wasiirka Kaluumaysiga ayaa sidoo kale sheegay in ay baadhitaano ku wadaan maraakiib iyo shirkado kale oo aan shaktiyo ka heysan Wasaarada kaluumaysiga oo iyagana si sharci daro ah xeebaha Puntland uga jalaabta.

Waxaa uu Faarax sheegay in wasaaradda Kalluumeysiga Puntland iyo midda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iska wareysteen Maraakiibtaas islamarkaana labada wasaaradood aysan wax ogolaansho ah siinin, Wuxuuna xusay inay Ciidamo gaar ah u diyaariyeen soo qabashada maraakiibtaas islamarkaana loo istaagayo meelaha ay maraan.

Xeebaha Soomaaliya oon laheyn ciidamo ilaaliya ayaa xili walbo waxaa si sharci daro ah uga jalaabta kana gurta kheyraadka ka buuxa maraakiib iyo doonyo laga leeyahay wadamo shisheeye.

Exit mobile version