Musharaxa Madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif Xasan ayaa khudbad dhinacyo badan tabanaysa u jeediyey shacabka reer Puntland ee ku sgan caasimadda Muqdisho kuwaas soo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Musharaxa, waxaana ka soo qaybgalay isimo, cuqaal, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada.
Musharax Maxamuud Khaliif ayaa khudbadiisa tooshka ku saarey hoggaamiyaha maanta Puntland u baahan tahay iyo sifooyinka uu lee yahay, Wuxuuna sheegay in Puntland u baahan tahay hoggaamiye Aamin ah oo dalka lagu aamini karo, Amaanka wax ka qabta islamarkaana dhaqaalaha kor u qaada.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Maxamuud Khaliif ayaa sheegay in wixii Puntland loo dhisay aysan gaarin, sidaas darteed loo baahan yahay in la hiigsado himilooyinkii loo dhisey, waxa musharaxu is weydiiyey xuduudii Puntland lagu dhisey sida ay tahay maanta.