Boosaaso (HM) – Maamulka Puntalnd ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa sii wada xadhiga odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari, kadib kacdoon waxgaradka Gobolkaasi wadaan oo ku saabsan diidmada ah in Imaaraadka lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Gobolka.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Boosaaso lagu xidhay markii labaad siyaasi Muuse Cali Jaamac oo loo heysto inuu kasoo horjeedo xukuumada Puntland iyo warar uu ka sheegay warbaahinta oo ku saabsan xaaladda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay xukuumada Puntland xidhay odayaal warbaahinta la hadlay oo ka hor yimid qorshe Imaaraadku kula wareegayo Garoonka Boosaaso iyo heshisikii hore ee dowladda.
Odayaasha Gobolka Bari ee ilaa hada u xidhan Xukuumadda Puntland waxaa ka mida:
1- Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble
2- Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).
3- Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe
4- Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax
5- Siyaasi Dr. Muuse Cali Jaamac
HALKAN KA DAAWO WARKA DHAN