WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland Deni oo sheegay inuu Soomaliland wada hadal kala galayo Sool iyo Sanaag-Video

By Abdi rashid

August 17, 2019

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay wada hadal ay maamulka Somaliland kalana  gasho wax uu ugu yeedhay  dhulka Puntland ee ay haatan xooga ku haysato.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka qabsoontay magaaladda caasimadda ah ee Garowe, maanta oo Sabti ah, Siciid Deni ayaa waxa uu meesha ka saarey in uu shaki ku jiro in ay Puntland leedahay degaanadaasi oo uu ula jeedo deeganada Sool iyo qayb kamid ah Sanaag.

“Shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay Somaliland kusoo xadgudubtey, wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ay ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa,” ayuu yiri.

Xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed [Hore, Hadda iyo Hadhow] oo muddo 35-sano ah ay qoreysay aqoonyahanad Prof Deeqa Jaamac Col-u-joog.

“Wax hadda mugdi ku jiro maahan, [balse] in aan wada hadal dhab ah oo nabad ka dhaliya geyiga, diyaar ayaan nahay,” ayuu ku daray madaxweynaha oo muujiyey in ay go’an difaaca dhulka Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamuladda deriska ah oo murankooda uu soo taxanaa sanadihii u dambeeyay ayaa isku haya goboladda Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo maamulo ay u kala joogaan.

“Wax kasta oo Puntland ku xun waxaan ku raadineynaa nabad,” ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynaha maamulka Puntland, isaga oo qaar kamid ah walaalaha ku diriraya qaybo kamid ah dalka ku booriyey xoojinta nabadda.

Maamulka Puntland ayaa madaxdii kala dambeysay ee soo martay waxaa uu mid kasta ku dookhi jiray olalahana ku gali jiray in uu xoog kaga saari doono maamulka Hargeysa deegaanada Sool iyo Sanaag.

Ugu dambeyntii, Siciid Deni ayaa wuxuu ka digay in la dhabaha saxda ah laga leexiyo dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed, taasi oo uu xusay in laga dhaxli karo dhibaato horleh.

Horufadhi News