Boosaaso ( HM) Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka Puntland ugu baaqay inay si adag ula xisaabtamaan xukuumadda Madaxwayne Siciid Cabdullahi Deni.
HALKAN KA DAAWO
Odayaasha oo shir jiraa’id qabtay ayaa sidoo kale baaq u diray Madaxwayne Deni, Waxayna taageero u muujiyeen Xildhibaankii Su’aalaha Kulul Waydiiyey Madaxwayne Siciid DENI.
Odayaasha ayaa xusay inay Wakiil shacabka ka yihiin, Hadana ay ku Faraxsan yihiin inay La Xisaabtamaan. “Waa arin aad looga naxo inuu Madaxwaynihii u adkaysan waayey Saddex Kalmadood, Hadee sidee ayuu dad dhan masuuliyadooda u qaadayaa”.