WARARKA SOOMAALI

DAAWO: NISA oo mar kale Dekadda Muqdisho ku qabatay hub loo waday Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

May 20, 2023

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, howlgal guuleystayna gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq dhaqaaq walba oo Al-shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey saanad ciidan oo loo waday khawaarijta Shabaab, kaas oo ku jireen alaabi Ciidan oo kala duwan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA