Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo Video:-Nin ka ganacsada magacyada Qabiilada Soomaalida oo Lacag badan ka sameeyay-Video

Muqdisho (HM)-Axmed Cismaan (Loo-ooyey) oo kamid ah Soomalida ku dhaqan Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu Lacag badan ka sameeyay Magacyada Qabiilada Soomaalida.

Axmed oo ah Nin ku shaqaysta Dawaarle ayaa sheegay inuu ka macaashay Magacyada Qabiilada Soomaalida ,wuxuu sheegay inuu sameeyo Funanado uu ku qorayo Magacyada kala duwan ee Qabiilada Soomaalida kadibna aad looga iibsado sida uu sheegay Axmed wuxuu kale oo sheegay inuu sameeyo Calamada kala du duwan ee Maamul gobaleedyada Soomaalida kadibna aad looga kato maalmaha Xafladaha leeyihiin.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed wuxuu kale oo intaas ku daray isaga oo u warameyey BBC-da inuu dhib ku qabo Soomaalida maamulada oo bad bedala marka maamulku isbadelo taasna ay dhib wayn ku tahay madaama Calankii isbadelaan.

Wuxuu sheegay in sababta uu u bilaabay shaqadan uu kaga ganacsanayo Magacyada Qabiilada ay tahay kadib markuu arkay in Soomaalidu aad u jecshaha qabiilka taasna au keentay in uu halkaas ka raadiyo fursad ganacsi oo aysan dadka kale ku baraarugsaneen.

 

Exit mobile version