WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Nin Dil geysan rabay oo Maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 19, 2023

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaa kuwa Booliska ayaa saaka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ku toogtay Nin hubeysan, kaasi oo doonayay inuu dil u geysto Askari kamid ahaa ciidanka ilaalada degaanka.

Ciidanka ayaa ninka ku dilaya xafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim, xilli uu rabay inuu nafta dhaafiy Askar ka tirsan ciidanka ilaalada degaanka Garasbaaleey oo ku sugnaa halkaas, iyadoona Meydka ninka lasoo bandhigay.

Saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in Xogta sahashay in la toogto Ninkii hubeysnaa ee dilka geysta ayey Taliska keentay wadashaqeyn dhexmartay ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka.

“Dhagar qabahaan ayaa qorsheenayay inuu dilo askari ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana xogta dhagarahaan sahashay wada shaqaynta Ciidanka Booliska iyo dadka deegaanka oo ah mid wanaagsan” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay dilal qorsheysan oo geysanayaan rag hubeysan, waxaana horey magaalada lagu toogtay rag doonayay inay dilal u geystaan dad shacab ah iyo Askar ciidan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA