HORUFADHI MEDIA |

DAAWO- M/Weyne Farmaajo oo shacab la hadlay munaasabbada bisha Barakaysan ee Ramadaan-VIDEO.

Waxaa si rasmiya Guud ahaan dalalka Islaamka looga wada dhawaaqay in maalinta Beri ah (sabti) ay tahay SOON, iyadoo ay Dhalatay bishii Ramadaan ee sanadka la wada sugaayey, waxaana u diyaar garoobey soomka inta badan dunida Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalalka kale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Bisha Shacbaan ayaa maanta oo Jimce ah ku buuxda 30 maalmood, waxaana ay kamid tahay sababaha lagu soomo haddii xitaa aan bisha la arag, Soomaaliya ayaa si weyn looga diyaar garoobey, waxaana kor u kacay dukaameysiga dadka isu diyaarinaya suxuurta iyo anfurka.

Ramadaanka sanadkan 2017 ayaa ku soo beegmaya xili roobku uu si wanaagsan uga da’ay guud ahaan Soomaaliya, xareedu ay balliyada wadhan tahay hawaduna tahay mid qaboow, inkasta oo weli dadku dareemayaan abaartii dheereyd ee laga soo baxay.

Ramadaanka ayaa kamid ah shanta tiir ee Islaamka waana cibaadooyinka mowsimka ku yimaada ee sanadkastana hal mar la soomo bisha Ramadaan 29-30 maalmood oo ah maalmo tirsan, sida Allaah qur’aankiisa ku xusay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu Hanbalyeeyay Munaasibada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Exit mobile version