WARARKA SOOMAALI

DAAWO: MW Lafta-gareen oo maamulo cusub u magacaabay Baay & Bakool

By xuseen waashitoon

June 08, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta maamul cusub u kala magacaabay Gobolka Bakool, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyeyaashii Gobolka Bakool ee KGS.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxaa marka hore Guddoomiye cusub loogu magacaabay Gobolka Baay, waxaana loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii isaga ka horreeyay ee xilkaas haayay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Gobolka Bakool u magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed Tool, halka Cabdullaahi Maxamed Nuur isna laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Bakool.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA