WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Muxuu ka yiri Mahdi Guuleed Doorashada Golaha Shacaka ee bilaabatay?

By xuseen waashitoon

November 01, 2021

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho uu kusoo baxay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Mahdi Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay si wanaagsan u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana todobaadyada soo socda ay dhici doonaan doorashada 44 kursi ee ka haray kuraasta Golaha Shacabka ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku boggaadiyay dadaalkooda ay sameeyeen ee Maanta ku qabsoontay doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa uu u mahadceliyay ergooyinka soo doortay isaga iyo Biixi Iimaan Cigale, isla markaana waxaa uu sheegay inay doorashada aheyd mid furan oo tartan la galay, kuna dhacday si wanaagsan oo jawabi degan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA