WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo xilalkii ka eryay wakiilo ka gaabiyey citiraaf raadintii-Video

By Abdi rashid

November 06, 2019

Hargeisa ( HM ) Madaxweynaha Maamulka iskiis iskugu magacaabay Dowladnimada ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Eryay inta badan wakiiladii Somaliland u fadhiyay dalalka dibeda, isagoona kuwo cusubna u magacaabay xilalkaasi, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wakiilada uu maanta caydhiyay Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa loo aaneynaya kadib markii uu gaabis weyn uu ku yimid ololihii aqoonsi u helida Somaliland, kaasi oo ay dalalka caalamka kaga baadi goobeysay Ictiraaf.

XIL KA QAADIS

Ku: Maxamuud Cabdi Dacar, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub

Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska

Ku: Sulub Warsame Xuseen, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway

Ku: Cabdalla Muuse Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Ku: Cali Maxamed Axmed, Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman

Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir,  Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:    Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:     Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:   La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska

2. Salaan Xasan Kayd Cabdille – Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub

3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle – Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya

4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar – Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway

5. Axmed Jaamac Xasan Shire – Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika

6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali – Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka

7. Cali Axmed Cismaan – Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya

8. Axmed Cali Salaad Maxamed – Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman

9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar – Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.