Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta magacaabay 24 masuul oo iskugu jiray kuwo cusub iyo kuwii hore usii joogay oo uu dib u magacaabay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mas’uuliyiintan la magacaabay ayaa u badan agaasimeyaal guud, waxaana markii hore xilka hayey masuuliyiintii hore ee la shaqaynayey madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale,waxa xilkii laga qaaday Badhasaabkii Gabiley Maxamuud Saleebaan Ramaax oo noqday masuulkii ugu mudadda gaabnaa ee xil laga qaaday, waxaana bishii Janaayo 29,2018-kii loo magacaabay gudoomiyaha Gabiley, waxaanu xilka hayey muddo ku siman laba bilood.