Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Muuse Biixi oo xaalad deg deg ah kusoo rogay qaybo kamid ah Gobalka Sanaag iyo Xiisadii oo-Video

Hargeysa (HM) –Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag sida Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka madaxtooyadu.

Xaaladda degdega oo socon doona muddo saddex bilood ayaa lagu soo rogay magaalada Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya in mudada ay xaalada degdega ku jirto deegaanadaas uu ka socon doono kaliya amarka Ciidamada.

Tilaabaddan  ayaa timid kadib markii maalintii shalay lama sarkaal oo ciidamada Somaliland ah oo ka hawl gali jiray Gar-adag lagu dilay degaanka Gobab maxan ee degmada Yagoori.

Banaan baxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay deegaanka Gar Adag, waxaana banaan baxaas uu ka dhashay markii nin maxbuus ahaa uu ku dhintay Xabsiga.

Exit mobile version