Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay in maamulkiisu uusan ka bixin Heshiiskii Imaaraadka Carabta!!.

Laascaanood (HM)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in maamulkiisu uusan ka bixin Heshiiskii Saldhiga Militari ee Berbera laga siiyay dowladda Imaaraadka Carabta.

“Waa dhowaysto oo dhexdaas ahayd waxaanu is aragnay Qolada Abu-Dubai waa innagii Air-siinay (Air Base) ciimada ah. Si wacan bay u dhiseen wuu dhanyahay heshiiskii aynnu la galnay ee 25-ka ahaana waa sidii sii wax iskama beddelin” ayuu yidhi Biixiga Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO BIIXI

Sidoo kale Hoggaamiyaha maamulka Hargeysa wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Berbera looga maarmi waayay in loo wada-isticmaalo shicib iyo militariba si markii ciidan loogu baahdana loo adeegsado markii duullimyaadyo rayid ah loo baahdana loogu isticmaalo.

Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey “Adduunkoo dhan ciidamada iyo shicibku way wada-isticmaalaan garoomada markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii garoonkii loo isticmaalo Civil ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah uu noqdo International airport islamarkaana markii ciidamadu u baahdaan isticmaalan,,.

Dhinaca kale Biixi mar uu shalay oo booqasho ku tegay magaala-xeebeedda Berbera ayuu halkaasi ka shaaciyay in garoonka in laga joojiyey Dowladda Imaaradka Garoonkii Mileteri ee hore looga siiyey Berbera taasoo u muuqata in Muuse Biixi uu kala hadlayo shacabkana u laba wajiilaynayo.

Horufadhi News

Exit mobile version