WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo sheegay in Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland sababay in Somaliland gaadho Xadka Deegaanka Tukaraq-Video

By Abdi rashid

May 26, 2018

Hargeisa (Horufadhi News)-Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa,  ayaa mar kale ka hadlay Xiisada ka dhaxaysa Puntland iyo somaliland iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay Tukaraq.

Dagaalka kala dhexeeya Puntland ayuu ku eedeeyay  Dawladda Soomaaliya, Wuxuuna sheegay inaysan dhibaato u tagin Tukaraq,  Isagoo xusay inay Xaq u leeyihiin in Ciidanka Somaliland ay deegaanka Tukaraq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inay Heshiis la galeen Khaatumo iyo SSC, Islamarkaana aysan duulaan ahayn dhul kale ee ay tagayaan Xaduudka Somaliland, Sida uu hadalka  u dhigay. “Markaanu Heshiinay Khaatumo ayay timid inaanu Xadkii Nabad ku gaadhno,  Waana in Nabadda Xadkeeda lasoo Xidho, Garoowe Weligeed Colaad ku tagi mayno, kumana Socono “.