WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo lagu eedeeyay inuu Soomaliland ka wado nadaamka qaybi oo xukun-Video

By Abdi rashid

November 05, 2019

Hargeysa (HM)-Dr Maxamed Cabdi Gaboose Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Soomaaliland oo maanta saxaafada kula hadlayey magaalada xarunta u ah maamulka iskii iskugu camaamaday Dowladnimada ee Hargeysa ayaa eedihi ugu cuslaa dusha uga tuuray hoggaamiyaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasigan Xirfadda Caafimaad heerka sare ka gaadhay ayaa xili uu mudo ka maqnaa masrxa siyaasada wuxuu maanta kasoo muuqday halmar si lama filaan ah isaga oo sheegay inuu ka ladi waayey hab maamulka Muuse Biixi uu ku hagayo wax uun ugu yeedhay Dalka Soomaliland.

HALKAN KA DAAWO

Wuxuu sheegay in Muuse Biixi waxa uu dalka ka wadaa ay tahay,,Qaybi oo xukun,, wuxuu kale oo sheegayaa hadalka bilowgiisa in uu hurdi waayay markii uu dhagaystay Muxaadiro uu jeediyey wadaadka arrimaha Siyaasada ka hadalkooda ku caanbaxay kolka ay timaado qadiyada maamulkaas ee Sheekh  Aadan Siiro.

Horufadhi News