Laascaanood ( HM)-Madaxweynaa maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu maamulkiisu ka noqdey heshiiskii Imaaraadka saldhiga milatari looga dhisi lahaa Berbera.
Biixi oo Sabtida maanta ah u waramay war-fidiyeenka ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in loo rogi doono Shibil, oo ah madaar milatari, kaasi oo noqonaya mid kamid ah kuwa ugu weyn gobolka.
Shirkadda hirgelineysa masharuucaasi iyo qalabka ayaa todobaadkan gaari doona magaaladaas dekadda leh, sidda laga soo xigtay Biixi, oo aan kala caddeyn sababta keentay in ay laalaan heshiiskii hore.
“Wuxuu noqonayaa midka ugu balaaran…waa 5 KM oo dhinac walba u balaaran oo cusub…marka qalabkiisa lagu daro wayna ku talo galeynaa in uu noqdo garoon dekada ka shaqo badan,” ayuu yidhi Biixiga Hargeysa.
Xukuumadda Abu Dubai iyo maamulka Hargeysa ayaa horey u kala saxiixdey heshiis lagu dhisayo dekad iyo saldhig milatari, kuwaasi oo laga hirgelinayo magaaladda Berbera.
Warar hoose ayaa waxay tibaaxayan in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ay ka fekerayaan in ay ka laabtaan xitaa Heshiiska dekadda.
Dekadda Berbera ayaa suuqdeeda ugu weyn wuxuu yahay Itoobiya, dalkaasi wuxuu u wareegsanayaa marsadda Eritrea kadib markii labada dowladood ay dib boorka uga jafeen xiriirkooda.
HALKAN KA DAAWO
Balse waxaa jiray cadadis xooggan oo maamulkaas kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la ogaa in ay awoodeeda oo dhan iskugu gaysay joojinta Saldhigaas.