Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Muuse Biixi oo ka hadlay Xiisadda ka dhaxaysa Puntland iyo Weerar uu ku qaaday Odayaasha-Video

Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi oo Warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ka hadlay Arimo kala duwan, oo ay ka midyihin Xiisada Colaadeed ee kala dhaxaysa Puntland, Hadalo kasoo yeedhay Odayaasha dhaqanka Beelaha Garxajis iyo Sicir-bararka ka taagan deeganada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Caalamka waxaannu u sheegaynaa cidna kumaanu xad-gudbin, colaadna uma jeedno oo dagaal diyaar uma nihin, halka aanu immika joogno oo Tuka-raq ahna weli xuduudkayagu waxa uu u jiraa 70km. Distoorka Somaliland waxa u qorayaa inay xukuumaddu sugto xuduudaha dalka, anigana xilkii la ii dhaariyey bay ka mid tahay oo Baarlamaanka iyo shicib-weynuhuba way igu dab joogaane waa in xuduudda la tagaa…” ayuu yidhi.

Muuse Biixi Isagoo ka hadlay Ciidanka Puntland ay keentay goobaha labada dhinac isku Horfadhiyaan ayuu sheegay in hadii ay dagaal soo qaadan ay tagi doonaan Xaduudka Siduu hadalka u dhigay “Hadii aad nagu soo duushaan, waxaanu Tagaynaa Xadka “.

Exit mobile version