Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagey wadanka Imaaraadka Carabta, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda dalkaasi.
Muuse ayaa waxaa safarka ku wehliyey xubno katirsan Xukuumadiisa, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe iyo madax kale ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Abu Dhabi.
Booqashada Muuse Biixi ee Imaaraadka ayaa salka ku haysa Hehsiiska Dekedda Berbera, oo mucaarado xooggan kala kulantay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku tilmnaatay mid sharci darro ah Heshiiska.
Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Sayid, ayuu Muuse Biixi ka helay Casuumada uu ku tagey dalkaasi, waxaana la filayaa inay kawada hadlaan mustaqbalka Heshiiska Dekedda Berbera.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Isniinta u codeeyay qaraar ay ku dalbadeen Xildhibaanada in dalka laga mamnuuco DP World, kadib markii Heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.
Sidoo kale, Gollaha Wakiiladda Somaliland aya Talaadadii shalay markale taageeray Heshiiska Berbera, oo bishii August 2016 ansixiyeen, iyadoo sidoo kale cambaareeyay go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.