Laascaanood (HM ) Dr. Cali khaliif Galaydh oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa, ayaa sheegay inaan la Fulin Heshiiskii ay Khaatumo la gashay Somaliland, Wuxuuna sheegay inay Faro-madhan ka taagan yihiin.
“Heshiiskii Madaxwayne Siilaanyo Saxiixay, ee Baarlamaanku Gudbiyey ayaan Saddex Sano daba socdaa, Hada Anagaa Somaliland Rabna, Cidna marti uguma Nihin”. Ayuu yidhi Galaydh oo ku Hanjabay intay Tallaabo qaadi doonaan hadii aan la dhaqan gelin Heshiiskii Khaatumo.
HALKAN KA DAAWO
Dhinaca kale Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray Hadalka Dr. Cali Khaliif Galaydh uu jeediyey, Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la dhamays tiro Heshiiskaasi.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed kaahin ayaa sheegay inay Diyaar u yihiin inay Fuliyaan Heshiiskii Khaatumo, Islamarkaana uu Muuse Biixi ku Khasban yahay inuu Fuliyo Heshiiskii uu Kulmiye galay.