HORUFADHI MEDIA |

Daawo Muuqaal:Wafti uu Hogaaminayo Ra,iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Veysi Kaynak oo maanta soo gaadhay Muqdisho iyo ujeedka-Video

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiag uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay u kuur gelida xaalada abaaraha, arrimaha bani’aadanimada iyo xoojinta howlaha mashaariicda iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Vyesi Kaynak iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay horu dhac u noqoneysaa socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya

Turkiga ayaa ah saaxibka ugu weyn ee Soomaaliya, waxayna horay uga qeyb qaadatay howlaha dib u dhiska, arrimaha bani’aadanimada, iyadoo ka hirgelisay Muqdisho mashaariic kala duwan, sida dhismayaal waddooyin, goobo waxbarasho iyo isbitaalo.

Exit mobile version