WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuqaal muujinaya Dagaalkii xalay lagu qaaday Saldhigayada maleeshiyaadka Soomaliland ee Laascaanood-Video

By Abdi rashid

August 06, 2019

Laascaanod  ( HM )-Dablay hubaysan ayaa Habaynkii Xalay Waxay  weerar ku qaadeen qaybta booliska gobolka Sool iyo saldhiga dhexe ee magaalada laasaanood, halkaas oo xarumo iyo fadhisimoba u ah maleeshiyaad ka amar qaata Maamulka Soomaliland ee Muuse Biixi hoggaamiyo.

Hubka noocyadiisa kala duwan iyo dhawaqa madaafiic ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada laascaanood. “Weli ma cada khasaaraha ka dhashay Weerarka, balse waxaanu Aragnay Olol iyo Qiiq ka baxaya Saldhiga” ayuu ku waramayaan goob joogayaal ku sugan halka xalay weerarka lagu ekeeyay.

Weerarka ayaa waxaa lala  beegsaday  Xarunmaha maamulka Soomaliland oo  ay kamid yihiin saldhiga dhaxe , Bangiga  iyo Xarunta wasaarada maaliyadda  ee Laascaanood, Waxaana goobaha iyo Meelaha ka Agdhowba ka Muuqda Rasaasta kala duwan ee labada dhinac is dhaafsadeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhowaan ayaa ciidamo ka tirsan Jabhada  Xoreynta Gobalada SSC ee uu Hogaamiyo Faysal Falaalug waxay Weerar kusoo qaaday Saldhiga Ciidamada Somaliland ee Buurta Sayidka, Iyadoo Somaliland sheegtay inaan khasaare kasoo gaadhin.

Col. Faysal Falaalug wuxuu sheegtay masuuliyadda Weerarkii Xalay, isagoo xusay inuu beegsan doono Xarumaha ay gobolka Sool uga sugan yihiin Ciidamada Somaliland.

Cabsi xooggan iyo si ilaalin xoogle ayaa laga dareemaya nawaaxiga iyo fadhiisimaha kala duwan ee Maleeshiyaadka Soomaliland kaga sugan yihiin gobalka Sool , Qaar kamid ah Ciidamadda Jooga Saldhigyada bariga iyo konfurta Laascaanood oo aan daacad u ahayn maleeshiyaadka Soomaliland ayaa Horufadhi News u sheegay in weerarada iyo bartilmaameedka xubnaha Soomaliland kaga sugan Gobalka Sool ay sii socon doonto!.

Horufadhi News, Laascaanood.