WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mustafe Cagjar oo sheegay arrin uu maamulka Soomaliland kaga dayan doono-Video

By Abdi rashid

August 21, 2019

Jigjiga (HM) Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sheegay inay Somaliland uga dayan doonaan Diimuqraadiyad, Xoriyad  iyo Nabad gelyada ka jirta , Wuxuuna sheegay inay cashar ka baran doonaan, Wuxuuna xusay in Qul qulatooyinka hada ka jira uu rajaynayo inay wanaag ku dhamaadaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida ay hada ka muuqato isbadal wanaagsan, iyadoo dhibaatooyinkii horay uga dhacay uu deegaankusoo kabanayo.

Wuxuu booriyey  is dhexgalka Soomaalida,  isagoo xusay inay sii xoojin doonaan in Cidkasta oo Soomaali ah ay dareento inay deegaanka leedahay.