Xildhibaannada Baarlamaanka dowladGoboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare.
Shalay guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle waxaa ay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta 27 musharax, kuwaas oo isugu jira rag iyo Dumar, isla markaana ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare
liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen.
Laba kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Jowhar ayaa aad u adag, waxaana haatan difaacanaya oo ku fadhiya Muuse Suudi Yalaxoow iyo Dr Cusmaan Maxamuud Dufle.