WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho nin u dhashay Dalka Ingiriiska oo xukun culus lagu riday iyo eedaha loo haysto-Video

By Abdi rashid

August 06, 2019

Muqdisho (HM)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhagaysiga Dacwadda Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde).

Ninkan oo lagu magacaabo Andrew Brain Irlam, ayaa 31-kii bishii hore bilaabatay dhageysiga eedaha loo heysto, iyadoo ugu danbeyn maanta uu dhacay xukunkiisa, inkastoo qaar ka mid ah lagu waayay dambiyadii loo heystay.

halkan ka daawo video

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay kiiska, waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000, iyadoo ku waysay qodobadii lagu soo eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabadgelyada guud ee Qaranka.

Andrew Brain Irlam waxey hore Maxkamada u sheegtay in uu Agab Ciidan ka dhoofin rabay, iyadoo xiligaas Maxkamada lagu soo bandhigay 7 Khasnadood iyo Jaakadaha aanay Xabadaha karin, isagoo aan laamaha amaanka ee baarista garoonka Muqdisho ku wargelin agabka uu watay.

Ninkan u dhashay Ingiriiska ah ayaa waxaa la qabtay 6-dii bsihii hore ee July, isagoo xilligaas u safrayay wadanka Imaaraadka Carabta, waxaana laga reebay diyaaradii uu ku qornaa.