Caynaba (HM) -Waxa maanta magaalada Caynaba ee gobolka Sool, ka dhacay mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeeday xeer ay shalay ansixiyeen golaha Wakiilada Maamul gobaleedka Somaliland.
Dadweynaha reer Caynaba ee mudaharaadayey ayaa waxay iskugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada Caynaba, kuwaasi oo gebi ahaanba xanibay wadada weyn ee isku xirta gobolada Sool iyo Togdheer.
Dadweynahan ayaa sidoo kale waxay saaka taayiro ku gubeen wadooyin kale oo muhiim ah oo ku yaala badhtanka magaalada Caynaba, iyagoona ku dhawaaqayey ereyo ka dhana Golaha wakiilada iyo Xukuumada Biixi oo ay sheegen iney tahay inuu madaxweynuhu ka dhabeeyo balan-qaad uu usameeyay degmadooda oo uusan ka bixin.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Qaar kamid dadweynaha mudaharaadka dhigayey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn darajooyinka cusub ee loo sameeyey gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo ay ansixiyeen golahu, taasi oo magaalada Caynaba lagu siiyay darajada “C”, waxayna yiraahdeen:
“Caynaba ‘C’ uma qalanto, dulmi hore ayaa haystay dulmi kale ma dooneyso, Mudaharaadkana waxanu iclaaminayna ilaa iyo inta aanu ka gun gaareyno, haddii aad ku adkeysataan Caynaba waxay yeelaysa wixii laga hayo”.
“Waxaanu dooneyna in laga dhabeeyo balantii Madaxweynaha uu inoo balan qaaday, Baashe Maxamed oo ku soo baxay codkii gobolka Saraar inuu maanta halka dambe dhigo Caynaba waa nasiibkii, wuxuuna ku soo baxay is xanbaarka Saraar, cid dooratayna majirto”.
Dadweynaha reer Caynaba ayaa sidoo kale waxay carabka ku adkeeyen in Golaha Wakiilladu baal-mareen soo jeedin ballan-qaad uu Muuse Biixi uu hore ugu sameeyay Reer Caynaba, kaasi oo ahaa in Degmada Caynaba laga dhigayo derajada ‘B’.
Xaalada guud ee magaalada Caynaba ayaa waxa la sheegaya in hadda u muuqato mid degan, kadib markii Saaka ay ku waabariisatay Banaanbaxyo waaweyn oo guud ahaanba qabsaday magaalada Caynaba, isla markaana hakad galiyey isku socodkii magaalada.
HM-Laascaanood