Hargeisa ( HM) Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo maalintii shalay ku biiray Puntland, kuwaasi oo Fadhigood ahaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
“Laba Sano oo Xukuumadan Joogtay aad ayay u badatay Cabashada Bulshadu dhankastaba, Waa markiii koobaad ee calanka dhulka la dhigo, Waxaana dhaliisha leh madaxwaynaha iyo Wasiirka arimaha gudaha, oo wakhtigiisu ku dhamaaday Muranka iyo Dooda Komishinka Doorashada, waxaana intaasi gacanta Somaliland ka baxday Sanaag Bari”.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Waxaa shalay ka dhacday magaalada Badhan in Ciidankii Somaliland iyagoo Jooga Xeradoodii inay ku Biireen Puntland, taasi oo kasoo go’day Laabtooda iyadoo aysan Jirin cid Qabsatay, Sanaag bari Galbataye, waxaan ka cabsi badan ka qabnaa inay gobolo kale ka baxaan Gacanta Somaliland “ Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Wadni Barkhad Jaamac Batuun.
Xisbiga wadani wuxuu Rajjo Xumo ka muujiyey in marka Muuse biixi meesha ka baxo inay u imaan waayaan Somaliland oo mid ah . “Xisbi ahaan waxaanu Bulshada Sanaag ugu baaqaynaa Muuse Biixi wuu tagayaa, ee yaan la kala Tagin.”