Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Mucaaradka oo dalab hor-dhigay Madaxweyne Farmaajo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac darran ka muujiyay xaaladda dhalinyarada tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Eratariya, kuwaasi oo la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalo ka dhacay dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Ummada Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan wel-welka iyo walaaca ay ka qabaan dhalinyarada tababarka loogu qaaday Eratariya ee nolo iyo geeri lagu la’yahay.

Musharaxiinta ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay mid aan la iska indho-tiri karin, isla markaana uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Midowga ayaa Farmaajo ugu baaqay inuu garowsado inuu ku fashilmay xilkii loo dhiibay, uuna ku takri falay ilaalinta Dastuurka dalka, isla markaana uu iska casilo xilka oo mar labaad doonayo inuu isku soo sharaxo hoggaaminta dalka

Exit mobile version